Wararka Degmada - 2024-25 Utica Sahanka Sinaanta Dijital ah ee Degmada Dugsiga
- La dhejiyay Oktoobar 28, 2024
Uruurinta xogta saxda ah ee ku saabsan helida kheyraadka dhijitaalka ah ee ardaydeena New York waxay si weyn u caawin doontaa barayaasha inay si wanaagsan ugu adeegaan ardaydooda iyo qoysaskooda. Si taas loo gaaro, Waaxda Waxbarashada Gobolka New York waxay waydiisanaysaa waalidiinta ama dadka ardayda masuulka ka ah inay dhamaystiraan sahanka sinnaanta dhijitaalka ah (arday kasta oo qoyska ka mid ah) ee fasalada Kindergarten - Fasalka 12. Sahankan waxa uu bixin doonaa macluumaadka ardaygu heli karo qalab iyo internet gelida meelaha ay degan yihiin.
Dukumeentigan waxaa loo isticmaali karaa in lagu caawiyo waalidiinta jawaabaha.