Habeenka dhaqamada kala duwan 2024

Dugsiga hoose ee Albany waxa uu marti galiyay Habeenkeenii ugu horeeyay ee caalami ah, waxayna ahayd guul wayn! Waxaan daawanay qoob-ka-ciyaarayaasha Karan, Laatiin, Jarmal, Boosniyaanka iyo Irishka anagoo ku raaxaysanayna cuntada iyo ciyaaraha adduunka oo dhan. Waxaan u mahadcelineynaa shaqaalaheena oo saacado aan la soo koobi karin isku xilqaamay qabanqaabada xafladan, fanaaniintayada qoob ka ciyaarka, waalidiinteena, iyo waratada soo dhiibtay maaweelo, cunto iyo deeqo kale. Waxaan rajeyneynaa inaan idin aragno dhammaan sanadka soo socda!